|

Hargeysa (Halganews) Waxa maanta la dhagax dhigay Xaafad cusub oo lagu magacaabay HIMILO, taas oo ay dhismeheeda hirgalinayaan shirkad lagu magacaabo .Irmaan Real State , waxana dhismaheeda ku bohoobay qurbajoog badan oo ka kala tirsan dhamaan gobolada uu ka kooban yahay wadanka Somaliland.

Xaafadan oo ku taala dacalka bari ee magaalada Hargeysa oo Himilo loogu magaca daray, waxana weeye xaafad la doonayo in ay u dhisanto si Casri ah oo dariiqyadeedi, biyo mareenkeedii, iskuuladeedi iyo masaajidadeedi ay u dhamaystiran yihiin. Xaafaddaas oo ay hadda dhul ku leeyihiin in ka badan 200 oo Qoys.

Hadaba Xaflada Dhagax dhiga Xaafadan Himolo oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta Shirkada Dhismaha wada iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dowladda Somaliland, Md.Siciid Sulub Wasiirka Maaliyada, Md. Xuseen Ducaale Duqa magaalada Hargeysa, Xuseen Maxamed Jiciir ,gudoomiyaha baanka Somaliland ,ku xigeenka badhasaabka gobolka Hargeysa iyo Masuuliyiin ka kala socotay saddexda Xisbi qaran, mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada iyo deegaanka ee caasimada iyo marti sharaf badan.

Xafladaas waxa saaka lagu qabtay dhulka laga yaqleelayo xaafaddaas ayaa waxa lagu dhagax dhigay dhismaha guriga u horreeya xaafaddaas oo uu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah Kusimaha Guddoomiayah Xisbiga UCID, kana mid ah qurba joogga Somaliland ee isku bahaysatay xaafaddan cusub.

Waxana halkaa ka muuqday in kastoo dhismuhu ahaa goobo Calaamadihii uun ay ka muuqdan hadana buqcad aad u balaadhan iyo dhul wayn oo ay ugu tala gelayn Shirkada Dismaha wadaa in ay xaafadaasi noqoto, hadaba xaafadani waxay ugu tala galeen qolyaha dhisaya ee hirgelinaya sida ay ku sheegeen qoraalo ay saxaafada u qaybiyeen in ay noqoto xaafada casri ah, guryo casri ah, degaan nadiif ah oo danta guud goobaheedii loo baneeyay xarumaha ciyaaraha, xarumaha dhalinyarada, iskuulada iyo xanaanooyinba ay yeelato oo ay noqoto xaafadaasi qayb nolol isku dhani ku hirgasho.

Axmed Jaamac oo ka tirsan maamulka Shirkadda Horumarinta Deegaanka ee Irmaan Real Estate ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu Illaahay u rummeeyey maanta Himilo ay muddo dheer ku taamayeen oo ah hirgelinta xaafadda cusub oo casri ah. Waxana uu sheegay in Ujeeddoyinka loo aasaasay xaafaddan cusub ay iska kaashadeen dadka ku nool dibadaha ee dalka ku soo noqonaya adeegga guud, ayna helaan deegaan ku habboon.

Waxana uu sheegay in adeegyada guud ee loo samaynayo xaafaddaasi ay yihiin kuwo la mid ah adeegyadii ay ku haysteen dadkaasi Yurub iyo Maraykanka, sida in caruurtu hesho waxbarasho tayo leh iyo meelo ay ku ciyaaraan oo la mid ah kuwa dibadda. Isaga oo xusay in dadka ku nool Yurub iyo Maraykanka ay fahmi karayaan sida la isaga kaashado adeegyadaa guud iyo danta ka dhexaysa. Waxana uu cadeeyay in hawsha dhismaha guryaha ay barbar socoto biyaha iyo laydhka oo uu sheegay in ay diyaar noqonayaan marka guriga u horreeya uu dhammaado.

Agaasimaha Qorshaynta ee Shirkadda Al-Khayr Construction Company, Jaamac Gaabuush oo qayb ka mid ah hirgelinta mashruuca HIMILO ayaa sheegay in ay riyo ku ahayd in dalka laga samayn karo xaafad casri ah oo la mid ah kuwa dunida horumartay. Laakiin, hadda ay u dhow dahay inay rumowdo riyadaasi. Waxana uu sheegay in ilaa iyo hadda ay u hirgaleen in ay xaafaddaas ay u sahamiyeen dhul, kuna guuleysteen inay u heleen dhul siman oo ku haboon, dabadeedna ay u direen dad khuburo ah oo u sameeyey qorshaynta iyo naqshada dhulkaas.

Isagoo sheegay, in mashruucan ay ka qaybqaateen ilaa 200 oo qoys oo kala degan dunida Yurub, Maraykanka, Carabaha iyo Dalka gudihiisa kuwaas oo uu sheegay inay ka soo kala jeedaan gobolada Somaliland oo dhan, min Saylac ilaa Laascaanood.

Waxa uu intaa sii raaciyay oo uu sheegay in mushkiladda hindisaha mashruucani ka dhashay uu yahay iyadoo aad dalka [magaalooyinka Somaliland] aad ku arkayso guryo aad u qurux badan oo aan waddo lahayn, dadkii guryahaa lahaana aanay awoodi karin inay iska kaashadaan inay waddada iska hagaajiyaan, taas oo uu sheegay in dadka dibaduhu ay iska kaashan karaan adeegga guud, maadaama ayuu yidhi, qofkasta uu bixin jirey markuu dibadda joogo lacag Barafka lagaga xaadho, ama loogu daadiyo Jay si aanu barafka ugu siiban ama dhirta loogu qurxiyo.
Xaafaddani waa tii labaad ee qurbajoogga Somaliland ay dalka ka hirgeliyaan, iyadoo xaafad tan la mid ah laga bilaabay Magaalada Burco sannad ka hor, taas oo ay qoysas kala duwan oo reer Somaliland ah, isla markaana deggan Yurub ay isku bahaysteen deegaankeeda.
Masuuliyiinta dowladda iyo Axsaabta ee xafladdaasi ka hadlayna waxay ammaaneen Qurbajoogga Somaliland iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta dalkooda hooyo.

Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Cabdulcasiis Maxamed Samaale oo xafladdaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ku tilmaamay mashruuca xaafadda cusub ee Himilo mid dalka iyo dadka wax weyn u soo kordhinaysa. Waxana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay waxqabadka ay dalka ku soo kordhiyeen qurbajoogu, isaga oo si gaar ah u xusay kaalinta uu mashruucan kaga jiro Cabdiraxmaan Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Samaale isagoo baaq u diraya Qurbajoogga Somaliland guud ahaan, waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay walaaladeenna dibadda jooga ee dalka u dhashay; Dalkiinu wuxuu qiimo yeelanayaa markaad idinku qiimo u yeeshaan. Markaad u soo noqotaan dhismihiisa, markaad ku soo celisaan aqoontiina, markaad ku soo celisaan maalkiina”.
“Waxaynu leenahay walaalaheenna dibadda ku nool, dhisa dalkiinna. Waddamada aad joogtaan ee horumaray waxay horumarkaa ku gaadheen waa dedaal ay sameeyeen, inaguna dedaalkaa mid la mid ah baynu u baahan nahay, cidda horumoodka ka noqon lahaydna waa dadka aqoonta leh ee ay ka mid yihiin qurbajooggeenna,” ayuu yidhi Cabdulcasiis Samaale. Waxana uu kula dardaarmay, “ Ha ogaadaan halka ay leeyihiin iyo hoyga ay leeyihiin inuu waddankooda hooyo yahay, hana ku daydaan walaalahooda hawlahan oo kale fulinaya”.

Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB oo isaguna xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan horumarka Somaliland uu ka soo jeedo qurbaha, laga soo bilaabo 1940-neeyadii, waqtigii Seaman-nada ilaa iyo hadda, waxana uu sheegay inay mar walba horumar uun dalka ku soo kordhinayeen.
Waxa uu tusaale u soo qaatay xayiraadii Sucuudigu ku soo rogey dhoofka xoolaha oo ahaa isha dhaqaale ee Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay arrin siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu cunaqabateeyo Somaliland, balse waxa uu sheegay in dhaqaalaha ay Qurba-jooggu soo diro uu daboolay tii xoolaha nool. “Runtii waa abaal weyn in loo hayo Qurbajooga oo daboolay baahidii dhaqaale ee xoolihii la inaga joojiyey oo aynaan dareemin, taana way ku mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Axmed Xaashi.
Axmed Xaashi, waxa uu u soo jeediyey qurbajoogga in aanay meel gaar ah isku koobin, balse ay bulshada kale dhexgalaan si ay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda wax uga siiyaan. Waxase uu sheegay in uu filayo in marka ay arkaan dalka nabadgelyadiisa iyo horumarkiisa inay bulshada dhexgeli doonaan. Waxana uu u mahadnaqay shirkaddaha iyo dadka wada mashruucan.

Mr. Cali Xaaji oo Xisbiga UCID u hadlay ayaa ku tilmaamay tusaale fiican mashruucan lagaga hirgelinayo Hargeysa xaafad la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida horumartay, iyada oo lagaga dayanayo sida loo maamulo magaalooyinkaas. Waxana uu u rajeeyey in magaalooyinka kale ee Somaliland-na mustaqbalka laga sameeyo xaafado casri ah.
Cali Xaaji waxa uu u soo jeediyey Qurbajoogga Somaliland in wixii wanaagsan ee ay dibadda ku soo arkaan ay dalka keenaan, oo ay hirgeliyaan, dadkoodna tusaan, wixii xun-na ay halkaa kaga yimaaddaan.Waxa kale oo uu ku raacay Axmed Xaashi, in Qurbajooggu aanay meel gaar ah isku urursan, balse ay dadkooda dhexgalaan.

Duqa Caasimadda Hargeysa, Xuseen Maxamed Jiciir iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa iyagu hadalkooda munaasibaddaas ku soo qaaday muhiimad weyn oo xaafaddan cusubi u leedahay casriyaynta deegaamada magaalooyinka Somaliland, iyaga oo xusay in degsiimada magaalooyinka waaweyni ay weli yihiin “Daamo” beelo loo kala deggan yahay sidii Maxmiyaddii Ingiriisku kaga tegey.
“Runtii Qurbajoogga ama dadkaa is urursaday ee is-fahmayaa inay meel wada degaan waa mid fiican. Waayo, waxad mooddaa waqtigii hore inkastoo iminka la soo ilbaxayo in dadkeennu had iyo goor inta istaqaanna ama isku reerka ahi ay meel wada degi jireen,” ayuu yidhi Inj. Jiciir, duqa Magaalada Hargeysa.
“Tan waxaan odhan karaa waxay hormood u tahay in ay baabiiso daan-daantii loo geli jirey. Waxan kaloo ku boorrinayaa, Qurbajooggoo keliya ma aha e dadka kale ee Hargeysa ama magaalooyinka kale degan ee wax haystaana kuwa is-fahmaya ama asxaabta ah inay meelo caynkan oo kale ah guryahooda fiican ka dhistaan,” ayuu yidhi Maayorku.
Inj. Xuseen Maxamed Jiciir, waxa uu ku baraarujiyey Qurbajoogga inay mashaariic kale, sida wershedaha yaryar ay dalka ka hirgeliyaan oo ay dadka shaqooyin u abuuraan, balse guryo keliya oo la dhisaa aanay faaiido badan lahayn.
“Xaafaddani waxay calaamad u tahay laba shay,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlayey Xafladda.

“Ingiriiskii wuxuu inagaga tegey xaafado, waanay daamaysnayd, waxaba horta iskama aynaan beddelin intii Ingiriisku inagaga tegey ee sidii uun baynu ahayn. Laakiin, sida iyaguba [shirkaddu] iminka kaga warbixiyeen waxay noqonaysaa xaafad Somaliland oo dhan ka kooban tii u horreysey ayay xaafaddani noqonaysaa haddii Alle yidhaahdo,” ayuu yidhi mudane Sulub. “Waxay kaloo noqonaysaa, siyaasaddeenan cusub ee casriga ah ee dimoqraadiga ah ee aynu is-hay-hayney ee axsaabta isu haynay, Saddexdii xisbi Qaranba xaafaddan way ka muuqdaan oo xaafaddan way wada deggan yihiin, taasina waa Illaahay mahaddii oo waa idinku hambalyaynaynaa,” ayuu raaciyey wasiirku.

Siciid Sulub oo ayaa sheegay inuu ka wakiil ahaa Madaxweyne ku xigeenka o isagu dhagax dhigi lahaa xaafaddan cusub, balse hawlo dartood soo bixi kari waayey waxana u sheegay in xukuumaddu soo dhoweynayso mashaariicda horumarka ah ee ay qurba jooggu dalka ku soo celinayaan.

Guud ahaan jawigii xafladan oo ahaa mid ku dhacay si heer sare ah oo farxadi ka muuqato ayaa waxa dhamaan masuuliyiintii ka hadashay iyo marti sharaftii ka soo qayb gashayba waxa ay aad ula dhaceen fikradan cusub oo ay ku tilmaaneen mid guul iyo horumar u ah qurba jooga iyo dalka Somaliland ba waxaana aad loogu dheeraaday amaanta qurba joogtada Somaliland oo dalkooda wax tar wayn u gaysta isla markaana horumarka maanta lagu faanayo iyagu sababta ugu badan leh.

C/fataah Hassan Hargaysa
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Newer news items:
|