Dahabshiil
qaran
Sl-radio
Radiyow Horyaal
Radiyow Hargeisa
Bbc Somalilga
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Radio-shabelle
Codka Somaliland
Radiohormuud
Radiogolis
Radiowaaberi
Radio-Waaheen
S-land-links
Aftahan.com
AwdalNews
Caynabo
Hadhwanaagnews
Hoyga-suugaanta
Hargaysanews
Hargeysa.org
Haatuf
Jamhuuriya
Qarannews.com
Radio-Somaliland
Redsea-Online
Somalilandforum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland-center
Somalilandfuture
SDWO
Sooyaal.com
Saaxil-net
Tvsomalilandeurope
Somaliland-Today
Togdheer News
Togdheersports
Sanaag-Web
Somaliland-talk
Golis-News
Somaliland-Edu
Somalilandnews.info
SomalSports
Gabiley News
Djiboutination
DjibTalk News
Ramaas News
Farshaxan
Somalilandnation
Lughaya
Harowo
Salal News
Visit Somaliland
Somaliradio
Radiyow-Garoowe
Radiyow-SBS
Radiyow-S-Sweden
Radiyow-Copenhag
Radiyow-Warsan
Radiyow-Banadir
Radiyow-Xoriyo
Radiyow&Tv-Jabuuti
Radiyow-Qaran
Radiyow-Dalmar
Radiyow-Sagal
Radiyow-Som(USA)
Rstvonline.com
Somalilinks
Aayaha.com
Amin-Arts
Allpuntland
Alldalka.com
Ayaamaha
Afrikadabari
Arlaadinet
Allsafaari-video
balcad.com
Biyokulule.com
Bulsho.dk
Banaadir.city
Buluugleey.com
Banadir.com
Baidoa.com
Buurhakaba.com
cadaado.net
Cayaaraha.com
Ceelbuurnet
Ceelbuur.com
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhahar.com
Djibnet.com
Gedonet
Geeskaafrika.com
Goobjoog.com
Himilo.com
Hiiraan
Hobyonet
Hornafrik
Jowhar.com
Janaale.com
Jiimonet.com
markacadeey
Midnimo
Mudugonline.com
Onkod.net
Puntlandpost.com
Qaranimo.com
Qorahay.com
Radiofreesomalia
Ruunkinet
Somalitalk.com
Somaliweyn
Somalipost.com
Somalilife.com
Somaliawatch.com
Somaliawatch.org
Somalitribune.com
Somaliuk.com
Somaali.com
Somalimarket
Somaaljecel.com
Somaliaonline.com
Stn-tv.com
Suxufi.com
Ufurow.com
Wardheernews
Widhwidh.com
Linki-Diinta
Altaqwaa.com
Aflax.net
Boqolsoon.com
Benadir-islam.com
Duruus.com/
Dugsi.com
Golaha-Imaamyada
Manhaj Online
Hilinkatoosan
Masjidka-Towfiiq
Masjidka-shaafici
Masjidka-Khalid
Quran-Tafsiir
Risalabookshop
Somaliquran.com
Somalitapes.com
Daarul Cilmi
Tafsiirka
Waano.net
Al Hidaaya
Xisbiyo/ngo
Academy 4 P & Dev
IPR-Institute
Qurbaawi-journal
Systo.org
S-Pictures/Ahmed
S-Chamberofco
Taste Of Africa
Ururka-Sirag
Xisbiga-Kulmiye
Xisbiga-Udub
Xisbiga-Ucid
Ganacsilinks
Ambassador-Hotel
Dahabshiil-Company
Daallo-Airline
Damal-Airline
Maansoor-Hotel
Star-Africanair
Lucky-Star Constar.
Burao-cityplaza
Syndicate
Archive
Home
Links
Latest
kaydka wararka
News-English
Sawirada SNM
Qudbadiii SHeeka
Fikradaha
cajalado
LA soo xidhiidh
SNM History
Somalilandlinks
Fikradaha
Somaliradiyow
Bogaga-Diinta
Somalilinks
Idaacadaha
web
Brightcode Weblinks
 

Himilo Village: Xaafad Cusub oo Casri ah oo maanta dhagaxii u horeeyay la dhigay Dhismeheeda

PDF 
Wednesday, 22 December 2004

khariirada himilo

Hargeysa (Halganews) Waxa maanta la dhagax dhigay Xaafad cusub oo lagu magacaabay HIMILO, taas oo ay dhismeheeda hirgalinayaan shirkad lagu magacaabo .Irmaan Real State , waxana dhismaheeda ku bohoobay qurbajoog badan oo ka kala tirsan dhamaan gobolada uu ka kooban yahay wadanka Somaliland.

dhagixii la dhigay

Xaafadan oo ku taala dacalka bari ee magaalada Hargeysa oo Himilo loogu magaca daray, waxana weeye xaafad la doonayo in ay u dhisanto si Casri ah oo dariiqyadeedi, biyo mareenkeedii, iskuuladeedi iyo masaajidadeedi ay u dhamaystiran yihiin. Xaafaddaas oo ay hadda dhul ku leeyihiin in ka badan 200 oo Qoys.

himilo oo kor laga sawiray sida loo dhisi doono

Hadaba Xaflada Dhagax dhiga Xaafadan Himolo  oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta Shirkada Dhismaha wada iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dowladda Somaliland, Md.Siciid Sulub Wasiirka Maaliyada, Md. Xuseen Ducaale  Duqa magaalada Hargeysa, Xuseen Maxamed Jiciir ,gudoomiyaha baanka Somaliland ,ku xigeenka badhasaabka gobolka Hargeysa iyo Masuuliyiin ka kala socotay saddexda Xisbi qaran,  mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada iyo deegaanka ee caasimada iyo marti sharaf badan.

masuuliyiintii ka soo qayb gashay

Xafladaas waxa saaka lagu qabtay dhulka laga yaqleelayo xaafaddaas ayaa waxa lagu dhagax dhigay dhismaha guriga u horreeya xaafaddaas oo uu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah Kusimaha Guddoomiayah Xisbiga UCID, kana mid ah qurba joogga Somaliland ee isku bahaysatay xaafaddan cusub.

dhagax dhiga xaafadaasi

Waxana halkaa ka muuqday in kastoo dhismuhu ahaa goobo Calaamadihii uun ay ka muuqdan hadana buqcad aad u balaadhan iyo dhul wayn oo ay ugu tala gelayn Shirkada Dismaha wadaa in ay xaafadaasi noqoto, hadaba xaafadani waxay ugu tala galeen qolyaha dhisaya ee hirgelinaya sida ay ku sheegeen qoraalo ay saxaafada u qaybiyeen in ay noqoto xaafada casri ah, guryo casri ah, degaan nadiif ah oo danta guud goobaheedii loo baneeyay xarumaha ciyaaraha, xarumaha dhalinyarada, iskuulada iyo xanaanooyinba ay yeelato oo ay noqoto xaafadaasi qayb nolol isku dhani ku hirgasho.

Axmed Jaamac

Axmed Jaamac  oo ka tirsan maamulka Shirkadda Horumarinta Deegaanka ee Irmaan Real Estate ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu Illaahay u rummeeyey maanta Himilo ay muddo dheer ku taamayeen oo ah hirgelinta xaafadda cusub oo casri ah. Waxana uu sheegay in Ujeeddoyinka loo aasaasay xaafaddan cusub ay iska kaashadeen dadka ku nool dibadaha ee dalka ku soo noqonaya adeegga guud, ayna helaan deegaan ku habboon.

adeega guud sida loo dhisi doono

Waxana uu sheegay in adeegyada guud ee loo samaynayo xaafaddaasi ay yihiin kuwo la mid ah adeegyadii ay ku haysteen dadkaasi Yurub iyo Maraykanka, sida in caruurtu hesho waxbarasho tayo leh iyo meelo ay ku ciyaaraan oo la mid ah kuwa dibadda. Isaga oo xusay in dadka ku nool Yurub iyo Maraykanka ay fahmi karayaan sida la isaga kaashado adeegyadaa guud iyo danta ka dhexaysa. Waxana uu cadeeyay in hawsha dhismaha guryaha ay barbar socoto biyaha iyo laydhka oo uu sheegay in ay diyaar noqonayaan marka guriga u horreeya uu dhammaado.

jaamac gaabuush

 Agaasimaha Qorshaynta ee Shirkadda Al-Khayr Construction Company, Jaamac Gaabuush oo qayb ka mid ah hirgelinta mashruuca HIMILO ayaa sheegay in ay riyo ku ahayd in dalka laga samayn karo xaafad casri ah oo la mid ah kuwa dunida horumartay. Laakiin, hadda ay u dhow dahay inay rumowdo riyadaasi. Waxana uu sheegay in ilaa iyo hadda ay u hirgaleen in ay xaafaddaas ay u sahamiyeen dhul, kuna guuleysteen inay u heleen dhul siman oo ku haboon, dabadeedna ay u direen dad khuburo ah oo u sameeyey qorshaynta iyo naqshada dhulkaas.

shirkada alkhayr

Isagoo sheegay, in mashruucan ay ka qaybqaateen ilaa 200 oo qoys oo kala degan dunida – Yurub, Maraykanka, Carabaha iyo Dalka gudihiisa kuwaas oo uu sheegay inay ka soo kala jeedaan gobolada Somaliland oo dhan, min Saylac ilaa Laascaanood.

Himilo Village: Xaafad Cusub oo Casri ah oo maanta dhagaxii u horeeyay la dhigay Dhismeheeda

Waxa uu intaa sii raaciyay oo uu  sheegay in mushkiladda hindisaha mashruucani ka dhashay uu yahay iyadoo aad dalka [magaalooyinka Somaliland] aad ku arkayso guryo aad u qurux badan oo aan waddo lahayn, dadkii guryahaa lahaana aanay awoodi karin inay iska kaashadaan inay waddada iska hagaajiyaan, taas oo uu sheegay in dadka dibaduhu ay iska kaashan karaan adeegga guud, maadaama ayuu yidhi, qofkasta uu bixin jirey markuu dibadda joogo lacag Barafka lagaga xaadho, ama loogu daadiyo Jay si aanu barafka ugu siiban ama dhirta loogu qurxiyo.

Xaafaddani waa tii labaad ee qurbajoogga Somaliland ay dalka ka hirgeliyaan, iyadoo xaafad tan la mid ah laga bilaabay Magaalada Burco sannad ka hor, taas oo ay qoysas kala duwan oo reer Somaliland ah, isla markaana deggan Yurub ay isku bahaysteen deegaankeeda.

Masuuliyiinta dowladda iyo Axsaabta ee xafladdaasi ka hadlayna waxay ammaaneen Qurbajoogga Somaliland iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta dalkooda hooyo.

C-casiis Samaali

Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Cabdulcasiis Maxamed Samaale oo xafladdaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ku tilmaamay mashruuca xaafadda cusub ee Himilo mid dalka iyo dadka wax weyn u soo kordhinaysa. Waxana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay waxqabadka ay dalka ku soo kordhiyeen qurbajoogu, isaga oo si gaar ah u xusay kaalinta uu mashruucan kaga jiro Cabdiraxmaan Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

 C/raxmaan Ciro

Samaale isagoo baaq u diraya Qurbajoogga Somaliland guud ahaan, waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay walaaladeenna dibadda jooga ee dalka u dhashay; Dalkiinu wuxuu qiimo yeelanayaa markaad idinku qiimo u yeeshaan. Markaad u soo noqotaan dhismihiisa, markaad ku soo celisaan aqoontiina, markaad ku soo celisaan maalkiina”.

“Waxaynu leenahay walaalaheenna dibadda ku nool, dhisa dalkiinna. Waddamada aad joogtaan ee horumaray waxay horumarkaa ku gaadheen waa dedaal ay sameeyeen, inaguna dedaalkaa mid la mid ah baynu u baahan nahay, cidda horumoodka ka noqon lahaydna waa dadka aqoonta leh ee ay ka mid yihiin qurbajooggeenna,” ayuu yidhi Cabdulcasiis Samaale. Waxana uu kula dardaarmay, “ Ha ogaadaan halka ay leeyihiin iyo hoyga ay leeyihiin inuu waddankooda hooyo yahay, hana ku daydaan walaalahooda hawlahan oo kale fulinaya”.

Axmed Xaashi

Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB oo isaguna xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan horumarka Somaliland uu ka soo jeedo qurbaha, laga soo bilaabo 1940-neeyadii, waqtigii Seaman-nada ilaa iyo hadda, waxana uu sheegay inay mar walba horumar uun dalka ku soo kordhinayeen.

Waxa uu tusaale u soo qaatay xayiraadii Sucuudigu ku soo rogey dhoofka xoolaha oo ahaa isha dhaqaale ee Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay arrin siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu cunaqabateeyo Somaliland, balse waxa uu sheegay in dhaqaalaha ay Qurba-jooggu soo diro uu daboolay tii xoolaha nool. “Runtii waa abaal weyn in loo hayo Qurbajooga oo daboolay baahidii dhaqaale ee xoolihii la inaga joojiyey oo aynaan dareemin, taana way ku mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Axmed Xaashi.

Axmed Xaashi, waxa uu u soo jeediyey qurbajoogga in aanay meel gaar ah isku koobin, balse ay bulshada kale dhexgalaan si ay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda wax uga siiyaan. Waxase uu sheegay in uu filayo in marka ay arkaan dalka nabadgelyadiisa iyo horumarkiisa inay bulshada dhexgeli doonaan. Waxana uu u mahadnaqay shirkaddaha iyo dadka wada mashruucan.

cali xaaji

Mr. Cali Xaaji oo Xisbiga UCID u hadlay ayaa ku tilmaamay tusaale fiican mashruucan lagaga hirgelinayo Hargeysa xaafad la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida horumartay, iyada oo lagaga dayanayo sida loo maamulo magaalooyinkaas. Waxana uu u rajeeyey in magaalooyinka kale ee Somaliland-na mustaqbalka laga sameeyo xaafado casri ah.

Cali Xaaji waxa uu u soo jeediyey Qurbajoogga Somaliland in wixii wanaagsan ee ay dibadda ku soo arkaan ay dalka keenaan, oo ay hirgeliyaan, dadkoodna tusaan, wixii xun-na ay halkaa kaga yimaaddaan.Waxa kale oo uu ku raacay Axmed Xaashi, in Qurbajooggu aanay meel gaar ah isku urursan, balse ay dadkooda dhexgalaan.

Xaseen Jiciir

Duqa Caasimadda Hargeysa, Xuseen Maxamed Jiciir iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa iyagu hadalkooda munaasibaddaas ku soo qaaday muhiimad weyn oo xaafaddan cusubi u leedahay casriyaynta deegaamada magaalooyinka Somaliland, iyaga oo xusay in degsiimada magaalooyinka waaweyni ay weli yihiin “Daamo” beelo loo kala deggan yahay sidii Maxmiyaddii Ingiriisku kaga tegey.

“Runtii Qurbajoogga ama dadkaa is urursaday ee is-fahmayaa inay meel wada degaan waa mid fiican. Waayo, waxad mooddaa waqtigii hore – inkastoo iminka la soo ilbaxayo – in dadkeennu had iyo goor inta istaqaanna ama isku reerka ahi ay meel wada degi jireen,” ayuu yidhi Inj. Jiciir, duqa Magaalada Hargeysa.

“Tan waxaan odhan karaa waxay hormood u tahay in ay baabi’iso daan-daantii loo geli jirey. Waxan kaloo ku boorrinayaa, Qurbajooggoo keliya ma aha e dadka kale ee Hargeysa ama magaalooyinka kale degan ee wax haystaana kuwa is-fahmaya ama asxaabta ah inay meelo caynkan oo kale ah guryahooda fiican ka dhistaan,” ayuu yidhi Maayorku.

Inj. Xuseen Maxamed Jiciir, waxa uu ku baraarujiyey Qurbajoogga inay mashaariic kale, sida wershedaha yaryar ay dalka ka hirgeliyaan oo ay dadka shaqooyin u abuuraan, balse guryo keliya oo la dhisaa aanay faa’iido badan lahayn.

 “Xaafaddani waxay calaamad u tahay laba shay,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlayey Xafladda.

Sicid Sulub

“Ingiriiskii wuxuu inagaga tegey xaafado, waanay daamaysnayd, waxaba horta iskama aynaan beddelin intii Ingiriisku inagaga tegey ee sidii uun baynu ahayn. Laakiin, sida iyaguba [shirkaddu] iminka kaga warbixiyeen waxay noqonaysaa xaafad Somaliland oo dhan ka kooban tii u horreysey ayay xaafaddani noqonaysaa haddii Alle yidhaahdo,” ayuu yidhi mudane Sulub. “Waxay kaloo noqonaysaa, siyaasaddeenan cusub ee casriga ah ee dimoqraadiga ah ee aynu is-hay-hayney ee axsaabta isu haynay, Saddexdii xisbi Qaranba xaafaddan way ka muuqdaan oo xaafaddan way wada deggan yihiin, taasina waa Illaahay mahaddii oo waa idinku hambalyaynaynaa,” ayuu raaciyey wasiirku.

 Himilo Village: Xaafad Cusub oo Casri ah oo maanta dhagaxii u horeeyay la dhigay Dhismeheeda

Siciid Sulub oo ayaa sheegay inuu ka wakiil ahaa Madaxweyne ku xigeenka o isagu dhagax dhigi lahaa xaafaddan cusub, balse hawlo dartood soo bixi kari waayey waxana u sheegay in xukuumaddu soo dhoweynayso mashaariicda horumarka ah ee ay qurba jooggu dalka ku soo celinayaan.

Himilo Village: Xaafad Cusub oo Casri ah oo maanta dhagaxii u horeeyay la dhigay Dhismeheeda

Guud ahaan jawigii xafladan oo ahaa mid ku dhacay si heer sare ah oo farxadi ka muuqato ayaa waxa dhamaan masuuliyiintii ka hadashay iyo marti sharaftii ka soo qayb gashayba waxa ay aad ula dhaceen fikradan cusub oo ay ku tilmaaneen mid guul iyo horumar  u ah qurba jooga iyo dalka Somaliland ba waxaana aad loogu dheeraaday amaanta qurba joogtada Somaliland oo dalkooda wax tar wayn u gaysta isla markaana horumarka maanta lagu faanayo iyagu sababta ugu badan leh.

Himilo Village: Xaafad Cusub oo Casri ah oo maanta dhagaxii u horeeyay la dhigay Dhismeheeda

C/fataah  Hassan Hargaysa

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Tags See All Tags Add New Tag...

Please Enter New Tags Separated By Comma's
  Or Close


Powered By Joomla Tags


Newer news items:

Last Updated ( Thursday, 10 February 2005 )
 
< Prev   Next >
Fikradaha Articles
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Kulan Ku Qabanaya Magaalada Oslo.

Waxa dhamman si Sharaf iyo maamuusba leh loogu war gelinayaa Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalada Oslo iyo Nawaaxigeeda in uu joogo magaala madaxda Oslo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane CABDIRAXMAAN CABDILLAAHI ( CIRRO )

 
Tacsi Geeri Naxdin Leh

Dhamaan dadkaasi waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Mustafe Daahir Ibraahim oo shalay ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay dalka Jabuuti, waxaanay marxuumka ilaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabi

 
Googaalaysiga Siyaasada, Waa Maxay Siyaadi?

Inan yar baa Abihii u tagay markaasi waydiiyey 'Aabo waa maxay siyaasadu'?  Aabihiiba waxaa u yidhi,' Inankaygii wacnaayow i kaadi aan isku dayo in aan kugu sharaxo habkane: Waxaan ahay nin qutal yoomkiina idin soo raadiya oo u soo shaqeeya reerkeena, sida la ajligeed igu yeedhba in aan  ahayn Hantigoosad

 
Aan hanbalyayno Golaha Guurtida Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Maanta dhiilladu waa doorashooyinka baaqday. Waa kuwa waqtigoodii dhow yahay ee qaabka Golaha Guurtida loo soo dooranayaa ka kow tahay. Waa ta Golayaashii Degaanka ee muddo-dhaaftay ee u baahan in dib loo muddeeyo si xeradii iyo xeyndaabkii sharciyadda loogu soo noqdo

 
Xaflad Manchester Feb 20th 2010

Xaflad balaadhan oo ay soo agaasimeen laamaha Xisbiga Qaranka ee Kulmiye ee Greater Manchester iyo Liverpool, ayaa ka dhici doonta magaalada Manchester, maalinta bishu tahay Feb 20 2010 wakhtiga 1-6 pm

 
The Mourning Tree- the autobiography of Mohamed Barud Ali Saturday, 20 Feb. 2010 at 4pm

Kayd Somali Arts and Culture in collaboration with redsea-online.com is proudly inviting you to the presentation of new book: 'Weerane' (The Mourning Tree)

 
Maasada Xigmadii-Tasowday

Maansadan  waxaa layidhaahda  Xigmadii-Tasowday waxaa midhahiisa curiyey ama sameeyay abwaanka  Sannadka 2010 Abwaan cabdinaasir axmed muuse "cabdinaasir macalin" , Anigoo tusaale ka bixinaaya markii aan arkay suugaantii oo la boobay  
 

 
Anglo-Somali Society Meeting, Wednesday 24 February 2010

The nearest underground stations are Great Portland Street, Warren Street, and Euston. The venue is the upstairs CONFERENCE ROOM, approached through a door to the left of ‘reception’

 
YAA YIDHI DONALD PAYNE waa Cadowga Somaliland?

Waxa beryahan dambe noqday bartilmaameed xildhibaanka Aqalka Wakiilada (House of Representatives) ee Maraykanka ee la yidhaado Donald Payne. Donald Payne oo ka mid ah Xisbiga Dimuqraadka ilaa iyo 1988 laga soo doorto gobolka New Jersey

 
Black Mabba Boy by Nadifa Mohamed

Kayd Somali Arts and Culture is pleased to invite you to the presentation of new book; 'Black Mamba Boy' by Nadifa Mohamed. Join us to discuss this new novel with the author on Friday,12 Feb. 2010 at 6:30pm -9:00pm, Oxford House, Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG

 
Xaajib Mansuur: Qiso ay Muhiim Tahay inaad wax ka Ogaatid

Xaajib Mansuur wuxuu ahaa madaxdii ugu magaca waynayd ee soo marta dawladdii Andulus magaciisa caadigii waxa weeye Mohamed bin abii Caamir noloshiisii hore wuxuu la noolaa laba nin oo dameer layaal ah{dameeraha dhaqa} isaga iyo labadaa ninba waxay ka shaqayn jireen arrimaha dameeraha

 
SNM anigaa ahaa, aqoonsigeediina waa kan, ninkay la dagaallamayseyna ima bari karo

Abdillaahi Ahmed Yuusuf Xeef oo loo yaqaanno timacadde degenna waddanka Denmark ayaa aqoonsigan isaga ah iska leh kuna deeqay si madmadow ga, dafiraadi waa halkeede, uu uga saaro waxay SNM-tu billowgii halganka iyo badhtankiisiiba aaminsanayd

 
U.S. Supreme Court to Hear Case against Former Somali Minister of Defense One Month from Today

The case pending before the Supreme Court, Samantar v. Yousuf, brings claims against Somali General Mohamed Ali Samantar for torture, rape, and mass executions committed against the civilian population of Somalia during the 1980s. Argument is scheduled for March 3, 2010

 
Hadii Xukumada Somaliland U Ogaalatay Idaacado Shisheye Inay Ka Hawl Galaan Gudaha Dalka, iyaba.....

Hadii Alshabab Tidhi Ama Xarakatul Mujahidin Shabab Noogu Yeedha Ama Na Daaya', Somaliland Miyey Odhan kari Wayday Noogu Yeedha Jamhuuriayda Somaliland oo naga daaya Iskku Magacowday iyo Maamuulka Somalilnad hadii Kale Wadanka Nooga Baxa. Yaa Laga Sugaya Go'aanka Uu Hiilinaya Magaca Somaliland

 
Xuska Sannad Guurada 37aad ee ka soo wareegtay Geerida Marxuum Cabdillahi Suldaan Timacadde

Maamulka Shabakadda Wararka ee Timacadde News Network TNN, www.Timacadenews.com  , Wuxuu kugu martiqaadayaa ka soo qayb galka Munaasibad lagu xusayo Sanadguuradii 37aad ee ka soo wareegtay geeridii  Halyeygii Timacadde

 
Xisbiga UCID oo u kala qaybsamay kooxo Siyaasad ahaan aad kula fog.

Mudo dheer marka aad maqasho  magaca  Xisbiga UCID,waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhici jiray,shaqsiyaad  gaar ah amase qaar ka mid aasaasayaashii Xisbiga  UCID,sidoo kale waxaa kugu soo dhici jiray erayo siyaasadeed oo iska soo horjeeda,qurba joognimo iwm

 
A Letter I Handed Over The UK and Common Wealth Foreign Secretary David Miliband

I recently had a chance to meet with the foriegn and common wealth secretary of united Kingdom David Miliband while he was attending an international conference organized by the help  disaster of Haiti in Coventry City

 
Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID, Oo la Kulmi doona Jaaliyada Somaliland ee Holand

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Ucid iyo dhammaan shacabka reer Soomaaliland ee ku dhaqan dalka Holland in ay inagu soo fool leeyihiin Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID

 
MUHA DAAHIR BILAD QARAN AYEEY U QALANTAA. Qalinkii Ismail M Gadiid

Marwo Muha Dahir waxey u qalantaa bilad Qaran, oo ay ku mutesatey dedaalka, geesinimada iyo xirfada/xikmada ay ku jebisey deyrar fara badan oo inta badan ku adkaatey dhigeed iyo dheeraadba, waxaan qormadan kooban u hibeynayaa uguna  hanbalyeeynayaa

 
A California Reckoning in a Case of Abuses Abroad

The three refugees from Somalia came to the Bay Area several years ago to escape the violence of their homeland, to put the terror behind them. But they were shocked to learn in 2002 that a former Somali official they believed responsible

 
INTA RUUX WAX GAADHSIIN KARAA WEY GUN DHOWDAHEY

Afku wuu I hud-hudayaa hadal buu ileeyahey, gacantuna u holatey iney qalinka hiigsato, ka dib markaan ka halacsadey geeska.net ganey iyo hadraawi  (ALLAH ayaa ina lehe HADRAAWOOW maxaanu ku boobney) kolkaad suugaan irmaan ku booba nagu anqariseen 26 sanno ayaa laga joogaa

 
Leg Ninkii Siiyey Dishaa Liidda Doqoneede

Midna waxaa odhan lahaa Shacabk weynaha Somaliland marka Regime ina Riyaale leeyihiin Muj Silanyo ayaa Federal doon ah, taa macneheedu waxa weeyeen ineynu nahay dad maskaxdooda wax kasta lagu shuban karo ama laga dhaadhicin karo

 
Voice of America (V.O.A )Waa Cadawga Kowaad Ee Somaliland

Muhiimadda  warbaahintu ay leedahay waxaa lagu masaalaa inay tahay  awooda afraad ee uu qaran ku dhisan yahay sida ; fullinta , Xeer-dajinta iyo Garsoorka ,  warbaahinta  waa hubka labaad ee uu qaran adeegsaddo

 
Taariikh Nololeedkii Marxuum Wariye Xariir Faarax Ducaale

Waxa Tacsi u Diraya Ehelka iyo Qaraabada iyo Dhamaan umada reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xariir Faarax Ducaale Shabakada Halganews iyo dhamaan Madaxda Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta reer Somaliland

 
Tahniyad Meher: Khadar Baaruud Cumar & Nimco Daahir Cige

Shabakadda Halganews iyo Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkada AFRICA ON-LINE iyo dad kale oo aad u tira badani waxay tahniyad kal iyo laab ah u dirayaa Khadar Baaruud Cumar iyo Nimco Daahir Cige oo meherkoodu ka dhacay magaalda Hargeisa. 

 
Ayaa ka danbeeyay shirqoolkii qabashada mujaahid qarxiye iyo welwel ku dhashay dadka u dhashay awdal

Waxaa sida wararka laga sheegay shalay galabtii lagu gaaday mujaahid qarxiye isagoo fadhiya meel ka mid ah dabakaayooyinka lagu shaaho halkaas oo lagu qabtay kadibna loo taxaabay jeelka madheerada isagoo la mariyay wadada qarfaha ah ee garab marta alaybaday

 
Libaaxu Muuska Ma Cunaa?

Libaax ku jiray xerada xayawaanka Hindiya ayaa ku gaajooday oo la siin waayay hilib ku filan. Wuxu Alle baryay in uu mar uun ka baxo dhulkiisan uu ku gaajaysan yahay oo uu tago waddan uu ku dhergo

 
Hambalyo Meher: Khadar Baaruud Cumar iyo Nimco Daahir Cige

Dhammaan ardeydii reer Faarax Oomaar, dhammaan ardeyda ka baxday jaamacadda Hargeysa, dhammaan aqoonyahannada, waxgaradka iyo dhammaan dhallinyaradana xaga hoose ku qorani ee kala ah

 
What is going on the House of Elders is it Disagreement or Disgrace?

The Somaliland constitution was set out the main principle of consultation and compromise when it comes to the difficult issue and respect of the independence of the three branch of the State. Each of them guards the sovereignty of the state and continuity of the task of the nation with according the rules and regulation laid down to them

 
Hambalyo Meher Khadar Barud iyo Nimo Dahir Cige

Dhamaan dadkani waxay hambalyo u dirayaan Khadar Baaruud Cumar & Nimco Daahir Cige oo meherkoodu ka dhacay magaalda Hargeisa

 
Maxaan Awdal iyo Salal u dooran Karin Rayaale?

Shaqsi waloo xil u haya dadweynaha waxaa xaq loogu leeyahay in lala xisaabtamo. Xaqiiqadaasi maaha mid looga bartay Awdal iyo Salal, waana arinta salka u ah jahawareerka siyaasadeed ee ku habsaday Gadabuursi taniyo 1991

 
Baaq Ku Socota Dhalinta iyo Dadka Reer Somaliland

Hadii aanu nahay dhalinta reer somaliland ee waxa ka barata Minnesota waxaanu aad iyo aad uga xunahay dadkii axmaqa ahaa ee isku dayday in hed aanu rabi goyn ay gooyaan oo aay isku dayaan in aay dilaan sheekh ama caalin Adan Xaaji mahamuud oo runtii ah sheekh karaamo iyo cisi iyo sharaf eebaha weyni ugu deeqay

 
Muxuu pension u qaadan waayay?

Waxa uu ahaa raad-barad. Waxayna ku beegnayd dabayaaqadii Siddeetamaadkii, markii Mooge iyo qoyskiisu soo galeen Yurub iyagoo ka soo qaxay dagaaladii qadhaadhaa ee wakhtigaa socday. Qoyska Mooge waxa uu ka mid ahaa qoysaskii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee soo gala wadankan iyagoo magangalyo doona

 
Ogaysiis: Baroordiiqda Ambassador Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community,wuxu dadwaynaha reer Somaliland ee dagan magaalada London ogaysiinaya in ururku qaban-qaabinayo munaasibad loogu baroordiiqayo oo lagu xusayo, eebe naxariistiisii jano haka waraabiye, taariikhdii marxuum Ambassador Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe)

 
Halkuu Biyo Dhigan Doona Muranka Dhexyaala Guurtidu?

Sida Ayna Madexweyne Ku Xigeenka Somaliland Ugu Banaanayn In Uu Kala Diro Golaha Wasiirada Madexweynahoo Maqan, Ayey Xaaran Uga Tahay Ku Simaha Golaha Guurtidu In uu Wax Ka Badal ku Sameeyo Golaha Joogtada Ee Guurtida

 
Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) Wuxuu Ahaa Siyaasi ka Koray Dharabta Beesha

Marxuum Fagadhe, wuxuu ka mid ahaa faro-ku-tiriska ku dadaalay horrumarinta bulsho waynta Somaliland amma Soomaaliyeedba iyo horumarinta xorriyaadka muwaadiniinta, taas oo ka soo jeeda muddada dheer ee uu ku jiray halganka

 
Gudiga Doorashada: Waa Waajib Qaran in La is barbar Taago lagana ilaaliyo Turrunturrooyinka

Tan iyo maalintii uu Baarlamaanka Somaliland codka aqlabiyada ah ku ansixiyay Xubnaha Gudiga Doorshayooyinka Qaranka ee Somaliland taariikhdu markay ahayd  24kii bishii Oktoobar ee sanadkii  2009 ayaa waxaa si cad u muuqata in ay Gudigaasi ay talaabooyin aad u heer sarreeya oo lagu diirsaday ay ku dhaqaaqeen mudada gaaban ee ay xilka hayeen

 
Yaa ka Masuul ah Dhibaatooyinka Haysta Darbi Jiifka Somaliland?

Sidaynu wada ognahay dhibaatada haysata darbi jiifka s/land marka aad eegto gaar ahaan magaalada hargaysa ama aad indho indhayso waxad ku arkaysaa dhalinyaro da,doodu udhaxayso 6-sano ilaa 20-sano oo wadaayinka iyo darbiyada Hargaysa Xabag la taagan, taasi oo maalinba maalnta ka dambaysa isa soo taraysa

 
Ogaysiis

dadwaynaha somaliland ee ku nool wadanka Finland, in maalinta ay bishu tahay 9.1.2010 ee sabtida ah, uu ka dhicidoono shir balaadhan caasimada Finland ee Helsinki gaarahaan xaafadda kontula

 
Hambalyo Meher

Dhaman dadkaas oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba kala jooga waxay hambalyo iyo boogaadin meher u dirayaan, Amaal Mohamed Hassan iyo  Ahmed Yusuf Guuleed oo meherkoodu ka dhacay dhawaan magalada Hargeisa

 
  @copyright (C) 2003 - 2009 Halganews