|
|
a
|
Thursday, 03 April 2008 |
|
Waxaannu intaa ku daray; "Caynabo oo kale marka halkaa laga sameeyey dee Habar/jeclo lays israaciyey, Dhulbahante meel gaar ah ayaa lagaga tegay. Sida oo kale tan laga sameeyey Awdal oo wixii waxa loo kala sameeyey qabiilo. Iminka qoladii Ciise waxay aamisan yihiin in iyagana loo sameeyey Salal, markaa anigu waxaan aamisanahay in dalkii qabiilo loo kala qaybiyey." |
|
|
Thursday, 03 April 2008 |
|
Laascaanood (Jam)- Gaadhi uu lahaa taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Cali Baadiye, ayaa maalintii Salaasadii isu soo dhiibay ciidanka qaranka Somaliland ee jiidda hore. Sidaana waxa weriye Kayse Axmed Digaale u xaqiijiyay saraakiil sare oo ciidanka qaranka ah oo ku sugan jiidda hore ee Gobolka Sool |
|
|
Thursday, 03 April 2008 |
|
Xafladda lagu soo dhoweynayey Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigiisa oo aad u ballaadhnayd darteed ayaa la fasaxay shalay dhammaan dugsiyada Laascaanood, kadib markii uu sidaa maamulayaasha ku wargeliyey Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandulle |
|
|
Thursday, 03 April 2008 |
|
Dawladda Maraykanku way ku celin lahayd dalkooda, balse Soomaaliya maaha xaqiiqo ahaan meel hadda dad dib loogu celin karo, waxana jira iminka dadaallo lagu damacsan yahay in ama dib loo dejiyo Yurub ama dib loogu celiyo Pakistan amase dalal kale," ayey tidhi Joanne Mariner.
|
|
|
Thursday, 03 April 2008 |
|
Is-beddel dhakhso ah oo caafimaad qaba waxa sameyn kara madaxda wanaagsan; siiba marka madaxweynuhu yahay INDHEER-GARATO. Alla ka cabsi leh, oo og in aakhiro tahay hoyga daa’imka ah. Ku talagalkaa iyo aragtidaa dheer ayaa keenta ammaano xafid, caddaalad, dhawrsanaan, xasilooni iyo horumar. Madaxdii dalku, waxa ay noqdeen qaar hammad gaaban, oo ammaanada iyo xilkii loo igmaday u qaaba dheef u soo korodhay |
|
|
Wednesday, 02 April 2008 |
|
Marxuumka oo sidoo kale ay tiraba laba nabar oo gacmaha ahi soo gaadheen, ayaa sida dhakhaatiirtu caddeeyeen waxa uu abbaaro 10:00 caweysnimo ee habeenkii Salaasadii ku geeriyooday cusbitaalka Hargeysa, xilligaas oo qalliin degdeg ah looga samaynayey waxyeellada ka soo gaadhay dhinaca feedhaha. |
|
|
Wednesday, 02 April 2008 |
|
Haddab, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo guddoominayey fadhigii golaha ee shalay, ayaa mudanayaasha ku wargeliyey inay arrintan ka hadlayaan, isla markaana ay go’aan ka soo saarayaan Golaha Guurtida oo keli ahi, balse aanay cid kale la doonanayn, maadaama iyagu aanay xukumin. |
|
|
Wednesday, 02 April 2008 |
|
Haseyeeshee, waxa Md.Axmed Yuusuf Yaasiin ka gaabsaday inuu sheego cadadka taakulaynta gurmadka abaaraha ee gobol kasta ay u sidaan, isagoo arrimahaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Caawa waxaannu u hoyan doonaa Burco oo la kulmi doonaa mamulka iyo waxgaradka gobolka oo isla eegi doonaa qorshaha loogu talogalay gobolka, kadibna wixii aanu isku afgarano ayaannu soo bandhigi doonaa |
|
|
Monday, 31 March 2008 |
|
Ururka dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan Yurub urukan oo ka dhisan Dalalka . Uk. Belgiam. Sweden Denmark. Norway Finland. Holand. France iyo Germany waxay xubnihiisu ka koobanayhiin in kabdan 6000kun oo xubnood. Hadaba anaga oo ah Gudida Guud ee urukan kuna hadlayna 6000kun ee dhalinyaro afkooda waxaan Hanbalyo aan la soo koobikarin u dirayaa Hogaanka Cusub ee Xibiga Kulmiye |
|
|
Monday, 31 March 2008 |
|
Waxa kal oo gunaanadkii shirweynaha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaamijka iyo distoorka xisbiga, inkasta oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida; Golaha Dhexe oo ka koobnaa 133 oo lagu dhigay 170 xubnood. Waxana shirweynuhu awood u siiyay Golaha Dhexe inuu wax-ka-beddel ku samayn karo barnaamijka iyo distoorka KULMIYE.
|
|
|
Sunday, 30 March 2008 |
|
Arrintaas oo u muuqatay mid si weyn u damaqday Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, ayaa daqiiqado yar kadib xubnaha shirguddoonka oo iyagu si gaar ah ula socday isbeddelka dareennada siyaasadeed ee shaqsiyaadka miisaanka leh waxa ay ergadii madasha fadhiday ku wargeliyeen in gaadhay waqtigii shirku xidhmayey, sidaa awgeedna doodda arrintan ku saabsan iyo hawlaha la xidhiidha distoorka ay gudo geli doonaan fadhigooda Isniinta maanta.
|
|
|
Sunday, 30 March 2008 |
|
Afhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga Folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. Ms Ohlsonn may joogin Somaliland hase yeeshee qudbaddeeda waxa shikra ka akhrisay Jenny Sonesson oo iyadu u timid Somliland inay shirka xisbiga KULMIYE indhaheeda ku soo aragto si ay ugaga warami karto xisbigeedii iyo madaxda dalka Sweden isbeddelka dimoqraadiyadeed ee shacbiga reer Somaliland.
|
|
|
Sunday, 30 March 2008 |
|
Waxaan ummadda reer Somaliland u iftiiminayaa in aannu la xidhiidhnay shirkaddo caan ku ah hawlaha baadhista khayraadka (survey) shidaalka, shirkadda kaliya ee codsigayagii dhagysatay waxay noqotay TGS, haddaba arrinta Haatuf waaqici ma aha ee waa riyo iyo humaag. TGS waa shirkad abaal dhaxalgal ah ku leh ummadda, fadeexad iyo cambaareyna innagama mudna ee milgaheeda ha la mariyo.
|
|
|
Saturday, 29 March 2008 |
|
Haddaba waxa ayaan-darro ah, iyadoo waxaas oo halgan iyo dedaal ah ummaddu u soo martay ama se ugu jirto dhamaystirka xurriyadeeda iyo kor u qaadista horumarkeeda, in maamulka xukumadeed ee manta dalka ka dhisani uu ummadda kula kaco hagardaamooyin iyo siyaasado dumin kara wixii ummaddu ku soo tacabtay iyo himiladii ay higsanayeen.
|
|
|
Saturday, 29 March 2008 |
|
Waxa kale oo Jaamac Sweden waraysigaas ku sheegay in si degdeg ah xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka looga hirgelinayo dhisme hal dabaq ah oo loogu talogalay in lagu diyaarin doono macluumaadka iyo adeegyada lagu fulinayo hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kaas oo uu xusay inay ku baxayso lacag dhan $100 kun dollar oo uu bixinayo ururka Midowga Yurub |
|
| | << Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>
| | Results 1 - 30 of 2835 |
|
|
 |
|
Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno.... |
|
Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo..... |
|
midi waa geesiyadaa oo marka cadawgu kula dagaalamayo nin-ba ninka uu ka qaalisan yahay ayuu abaaraa, Aadan Shiine iyo C/Qaadir Koosaar-na geesiyaal bay ahaayeen, waa ta labaad'e waa dagaal bilaw ah oo cusub, oo ku socda in la tirtiro taariikhda halgankii lagu xoreeyey dalkan, waa ta saddexaad'e waxa looga jeedaa fidmo laga abuuro dadka dhexdiisa, taas oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qaranimada Somaliland, anigu sidaasaan qabaa, waayo cidna umay qabsan SNM dilalkaasi, haddana iyadiibaa dib loogu soo celiyey markaa anigu ma garanayo waxa looga jeedo ee aan sidaa ahayn... |
|
Runa anaantii anoon sharax badan ka bixinayn Dr. C/sallaan Yaasiin oo ahaa mid ka mida halgamayaashii xiliga dheer u halgamayay in dadku mar uun baadilku ka tago C/salaan waa mid ka mida shantii nin ee fadhiday Miiskii lagaga dhawaaqay SNM 06.04.1981kii sida Sawirka sarena aad ku aragtaan C/sallaan waa ninka taagan ee hadlaya hadaba Dr. C/sallaan Yaasiin oo halgankii ka dib lamaqal in badan oo ay xaruntiisu tahay Dalka Saudi arebiya halkaas oo uu ku noolyahay Dr. C/sallaan ayaa hadaba tiriyay Tix la magac baxday Gees ka gees oo ka hadlaysa wakhtigii tagay iyo Wakhtagn Xaadirka ah ba isaga oo ereyadiisa ay ka mid yihiin... |
|
Kudhawaaqista madaxbanaanida Somaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.... |
|
Waxa kale oo Ciidanka SNM hawlgal ku qaadeen 29kii May 1988 Xerada Cadaadley oo sagaashan (90km) dhinaca Bari ka xigta Hargeysa. Hawlgalada Ciidamada SNM ee Hargeysa wuxu ahaa gulufkii dagaal ee taariikhda SNM ugu muddada dheeraa, dagaalkii Mujaahidiintii SNM oo 2:00 duhurnimo ee 31kii May 1988 ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Bali-Samatar oo waxyar u jirta xuduudda, waxay duhur cad iyaga oo saaran Kolanyo Baabuur ah ku soo jiidheen Ciidamaddii qaybta 26aad ee loogu talogalay Difaaca Magaalada ee Teedsanaa inta u dhexaysa Xuduudda iyo Magaalada iyada oo Kolonyaddii Ciidanka ay ka war heleen Diyaaradihii Sahanka Cadowga oo Markii Ciidamada SNM xuduudda ka soo gudbeen dul marayay |
|
Cabdiraxmaan Tuur oo labaatan sannadood Safiir ahaa, labaatan kale oo xigayna jabhad iyo hoggaamiye ahaa iyo geel-dhaqasho halkee ayay iska soo galaan. Waa habeen aanu booqasho iyo kormeer ku maraynay tuulooyinka xuduudda ku taxan ee gobollada bari. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee SNM. Waxaanu la soconnay wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SNM. Yicib-yabooh ayaanu goor fiid ah ku soo hoyannay. Garo� oo Cabdiraxmaan ayaa marti loogu ahaa Yicib-yabooh. Kollay habeenkaa qarbe-qarbe ayuu xaalku iska ahaayoo, sabaayad ayaanu ku cashaynay. Cadihii iyo sooryadii maalintii xigtay ayay is-raaceen. |
|
Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?... |
|
Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aanwaxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii. Markii aanu ka warhelnay in weerarku nagu soo maqanyahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”..... |
|
|
|